28.7 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

DF oo xirtay haween maanta ka banaanbaxay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta xiray haween dibadbax ka dhigay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka cabanayay barakicin iyo dhul-boob ay sheegeen in lagu hayo xaafadda Horseed ee degmada Hodan.

Banaanbaxa haweenkan ayaa imanaya xilli la baajiyay dibadbax weyn oo mucaaradka qorsheynayay in Sabtidii uu ka qabto magaalada Muqdisho, kaasi oo dib loo dhigay muddo 9 maalmood ah, si dibadbaxaasi u noqdo mid nabadeed oo laamaha amniga ka qeyb qaadanayaan sugida amnigiisa.

Dowladda ayaa maalmihii dambe xabsiga dhigtay shaqsiyaad si weyn uga horyimid baneynta dhulka danta guud, oo ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Cumar Cali Rooble, iyo ganacsade Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, kuwaas oo markii dambe la sii daayay.

Xariga haweenkan ayaa waxaa si adag u cambaareeyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku tilmaamay sharci darro, iyagoo ku baaqay in si deg-deg ah loo sii daayo dibna loogu soo celiyo xoriyaddooda.

“Waxaa nasiib darro ah inay wali sii socdaan xariga sharci darrada ah iyo cabburinta bulshada caasimadda, waxaana codkeyga ku biirinayaa in si deg-deg ah loo sii daayo haweenka iyo dhalinyarada Ciidamada Boolisku maanta ay ka xireen xaafada Horseed ee Degmada Hodan xili ay muujinayeen dareenkooda ku aadan barakicinta sharci darrada ah,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Cabashada shacabku waa dareen bulsho oo ay tahay in si dhab ah ay dowladu u wajahdo mana ahan wax u wanaagsan dowlanimada, xasilloonida iyo ammaanka in looga jawaabo codka shacabka xarig iyo cabburin waana arrinta mar walba aan ka digayno.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa isna si adag uga hadlay xariga haweenkan ayaa ayaandarro ku tilmaamay in hooyooyin Soomaaliyeed ay caawa xabsi ugu xiran yihiin Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu sheegay inay caadeysatay caburinta shacabka, barakicinta danyarta, iyo boobka dhulka dantaguud.

“Waxaan cambaareynayaa xarigga ay dowladdu xaafadda Horseed ee degmada Hodon ugu gaysatay haween ka dhiidhiyay dhulboobka iyo barakicinta danyarta ee ay ku hawllan tahay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa ayaandarro ah in hooyooyin Soomaaliyeed ay caawa xabsi ugu xiran yihiin Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo caadeysatay caburinta shacabka, barakicinta danyarta, iyo boobka dhulka dantaguud.”

Kheyre ayaa Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu si deg-deg oo shuruud la’aan loo sii daayo hooyooyinka xiran, kana joogsado dhulboobka oo cuuryaaminaya horumarka dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xubnaha mucaaradka ee ku midoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaaraynayaa xarriga loo gaystay haweenka Soomaaliyeed ee sida nabadda ah u muujinayay dareenkooda ku aaddan barakicinta iyo dhul-boobka lagu hayo xaafadda Horseed ee degmada Hodan.

“Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku hawllan yahay xadgudubka muwaadiniinta Soonaaliyeed ee sida nabadda ah dareenkooda u cabbiraya,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo sii daayo dibna loogu soo celiyo xoriyaddooda. Waxaan mar walba garab taagannahay muwaadinka dulman, qoysaska la barakiciyey, iyo kuwa xaqooda difaacanaya. Dowladdu waa in ay joojiso dhul-boobka, gaboodfalka iyo dulmiga joogtada ah ee lagu hayo shacabka.”

Si kastaba, xariga haweenkan ayaa imanaya xilli biyo qabow lagu shubay xiisaddii xooganeyd ee ka dhalatay dhulka danta guud, isla markaana guddi dhex-dhexaadin oo xildhibaanno iyo odayaal dhaqan iskugu jira ay dhinacyada dhex dhigeen is-afgarad labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News