26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

DF oo xog cusub ka bixiyay Weerarkii hotel SYL

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xog dheeri ah ka bixisay qasaaraha ka dhashay qaraxii  iyo weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan goob aan ka fogeyn madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya C/risaaq Maxamed Cumar oo VOA la hadlay ayaa sheegay in qasaaro u geystay weerarkii xalay, balse ciidamada NISA ay ka hortageen, sida uu hadalka u dhigay.

Baaritaano ay sameeyeen ciidamada booliska iyo hayada kale ee dowlada ayuu sheegay wasiirka amniga in lagu ogaaday in qaraxa uu ahaa ku dhawaad 200 oo kg, balse qasaaraha uu geystay uu yaraa.

Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayuu sheegay iney difaac xoogan sameeyeen ayna ka hortageen qorshaha lala damacsanaa qaraxa.

Shan kamid ah ciidamada NISA ayuu sheegay iney ku dhinteen qaraxa koowaad ee ka dhacay agagaarka Taalada SYL ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya ayaa beeniyay in askar kamid ah NISA ku dhinteen weerarkii xalay.

Wasiirka Amniga C/risaaq Maxamed ayaa dhankiisa saxaafada u sheegay in ku dhawaad 200 oo Kg  oo waxyaabaha qarxa ah laga buuxiyay gaariga koowaad ee lagu weeraray hotel SYL.

Bartiisa Facebook ayuu wasiirka kusoo qoray in afar kamid ah ciidamada amaanka ku dhinteen weerarka koowaad, isaga sidoo kale sheegay in dad kale ay ku dhawacmeen.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay weerarka ka dhacay hotelka SYL, waxaana laga yaabaa in qasaaraha dhimashada ay ka badato tirada dowlada ay ku sheegtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News