26.6 C
Mogadishu
Monday, June 9, 2025

DF Somalia iyo Somaliland oo sidii laba dal uga soo muuqday shir ka dhacay dalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Windhoek (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta si garba-siman uga soo muuqday shir caalami ah oo ka dhacay dalka Namibia.

Sawirro laga soo qaaday furitaanka shirkan ayaa muujinaya calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kan Somaliland oo si saf-siman isku barbar yaalla, taasoo ka dhigan in meeqaamka dal shirkaan lagu siiyay Somaliland.

Shirkan oo ahaa mid heer caalami ah ayaa waxaa ka qeyb-galay ilaa 45 dowladood oo ka kala yimid qaaradda Afrika, waxaana looga hadlayay kaabayaasha dhaqaalaha xabsiyada Afrika.

Wafdi ka socday Somaliland ayaa ka qeyb galay shirkan, kaasi oo ay dirtay Wasaaradda Cadaaladda ee Somaliland.

Shirkan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyay hay’adda ICRC iyo Dowladda Namibia, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Xabsiyada, iyadoo sidoo kale marti-gelisay shirka.

Arrintan ayaa dhalisay fal-celin xooggan, xilli aysan weli ka hadlin Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah dadka aragtidooda ku cabbiray baraha bulshada ayaa ku tilmaamay “xad-gudub”, halka kuwo kalena ay arrintaasi soo dhaweeyeen.

Si kastaba, ma ahan markii ugu horreysay ee shirar heer caalami ah Somaliland loogu maamuuso sidii dal madax-bannaan, inkastoo aysan haysan aqoonsi caalami ah, ayna dunidu u aqoonsan tahay maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News