Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, oo ka war bixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19, ayaa xaqiijisay in ay korortay tirada dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ee Soomaaliya.
Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in baaritaan la sameeyay lagu caddeeyay in cudurka Coronavirus uu soo ritay 4 qof oo hor leh oo ku nool magaalada Muqdisho, taas oo 25 ruux ka dhigaysa tirada guud ee dadka cudurku ku heleelay gudaha dalka.
Waxaa muuqata in cudurka uu kusii faafayo dalka, waxaana wasaaradda Caafimaadku ay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka cudurada daba dheeraada qaba.
Dhinaca kale, wasiirka ayaa xaqiijisay in maanta uu Isbitaalka De Martino ku geeriyooday Allaha u naxariistee wasiiru dowlihii cadaalada ee dowlad goboleedka HirShabelle xildhibaan Khaliif Muumin.
Allaha u naxariistee Marxuum Khaliif Muumin oo da’diisu ahayd 63 jir ayaa isbitaalka la jiifiyay April 09, 2020, si xaaladdiisa caafimaad wax looga qabto.
Taliyaha Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xajaar, ayaa caawa sheegay in si dadka looga badbaadiyo khatarta cudurka Coronavirus, ay dowladdu go’aamisay laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah ee taariikhdu ku beegantahay 15-ka bishan Abriil, in magaalada Muqdisho lagu soo rogo bandow ka bilaabanaya 8:00pm Fiidnimo, kuna eg 5:00am subaxnimo.