Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday hagaha hirgelinta qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan.
Hagahan waxaa dowladda Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, dhinaca Qaramada Midoobay ay u saxiixeen Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Latouff.
Saxiixan ayaa wuxuu ka tarjumayaa dib-u-habayn qaran oo joogto ah, wuxuuna xoojinayaa isla-xisaabtanka hay’adaha amniga iyo badqabka carruurta.
Qorshe howleedkan wuxuu ku dhisan yahay horumarkii la gaaray sannadihii u dambeeyay wuxuuna muujinayaa go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in laga hortago xad-gudubyada culus ee ka dhanka ah carruurta, isla markaana si dhow loola shaqeeyo saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo ilaalinta mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.
Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha guddiga isku-dhafka Wasaaradaha ee Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha Hubaysan (CAAC), ee Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.
Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, dib-u-habeynta hay’adaha amniga, iyo hirgelinta ballanqaadyada la xiriira ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay hirgelinta hagaha qorsha howleedka 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta Carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isla-xisaabtan, wada-shaqaynta hay’adaha, iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah carruurta inta lagu jiro howlgallada amniga.















