Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan heer sare ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay Golaha Difaaca Soomaaliya.
Kulanka furitaanka Golaha Difaaca Qaranka ayaa waxaa maanta daah-furay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.
Golahan ayaa ah madal istaraatiiji ah oo muhiim u ah xoojinta maamulka difaaca, kor u qaadista isku-duwidda hay’adaha amniga, mideynta hawlgallada iyo dib-u-habaynta ciidanka.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, La-taliyaha Amniga Qaranka, sii-hayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee ciidamada.
Sidoo kale, waxaa shirkan ka qayb-galay safiirrada saaxiibbada caalamka iyo wakiillada ururrada caalamiga ah ee dalka jooga, marka laga reebo Mareykanka. Waxaana fadhiyay IGAD, AU, EU, Qadar, Turkiga, Shiinaha, Itoobiya, Kenya, UK iyo Canada.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Golaha Difaacu door muhiim ah ka qaadan doono hagidda jihada istaraatiijiga ah ee difaaca dalka, isla markaana uu noqon doono madal lagu mideeyo yoolalka hawlgallada, dib-u-habaynta hay’adaha iyo go’aannada hoggaamineed ee heer qaran, si loo xaqiijiyo nidaam difaac oo isku-dhafan, hufan, isla markaana waafaqsan istaraatiijiyadda qaranka.
Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta awoodda ciidanka, isagoo tilmaamay in sugidda amniga mustaqbalka Soomaaliya lagu xaqiijin karo dhisme ciidan oo xirfad leh, isla markaana leh awood hawlgal iyo mid dhaqaale.
Ugu dambayn, Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka ay si qorshaysan ula wareegayso mas’uuliyadda buuxda ee amniga dalka, isagoo xusay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay sii wadi doonto iskaashiga saaxiibbada caalamka si loo hirgeliyo qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya iyo qorshaha kala-guurka amni.














