24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

DF Soomaaliya oo jawaab siisay Puntland kadib ciidamadii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta jawaab culus siiyay Puntland oo dhawaan shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay carqaladeyneyso amniga guud ee maamulkaas, iyada oo adeegsaneysa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee uu hoggaamiyo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar.

La-taliyaha madaxweynaha Puntland ee arrimaha amniga, Mudane Cabdi Xersi Cali (Qarjab) ayaa maalin kahor sheegay in ciidamadaai aanay ka amar qaadan Puntland, isla markaana ay yihiin ciidan guur guura oo meelo kale laga xakumo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa oo uu xusay in ay mushaar siiso dowladda dhexe, isla markaana ujeedadu tahay in ay ku carqaladeyso amniga guud ee Puntland.

“Ciidan aan dowladda ka amar qaadan oo hadba meel aadaayo oo meel kale laga maamulo system dowlina maaha, adduunka wax ku dhaqmaana ma jiro”. ayuu yiri La-taliyaha madaxweynaha maamulka Puntland ee arrimaha amniga. 1,376 qof-baa Puntland ku nool Dowladda Federaalka ayaa mushaar siisa, uguna talagashay Puntland inay ku carqaladeyso jiritaankeeda iyo amnigeeda” ayuu yiri La-taliye Cabdi Xersi Cali (Qarjab).

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo ka jawaabay eedeyntan ayaa xusay in ciidamadaasi aanay dhibaato ku ahayn jiritaanka Puntand, balse ka shaqeynayaan oo kaliya amniga Qaranka, sida uu ku dooday.

“Ma jiraan ciidan ka socda Dowladd Federaalka oo carqaladeynaya amniga Puntland, waa askar ilaalinaya amniga Qaranka” ayuu yiri Fiqi.

Dhankiisa, wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Xasan Shir Abgaal oo isna ka hadlay arrimaha ciidamadan ayaa boggaadiyay doorka dowladda dhexe.

“Haddii ciidanka PSF iyo Danab aysan Dowladda Federaalka mushaar siin lahayn way kala yaaci lahaayeen, hadda 25-ka bisha ayay mushaarkooda qaataan” ayuu isna yiri wasiir hore Xasan Shire Abgaal.

Si kastaba, Ciidamadan oo muddooyinkii ugu dambeeyay deggenaa duleedka Garoowe ayaa dhawaan gudaha u galay Laascaanood, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka, waxayna ka qayb-qaateen sugidda amniga madaxdii isugu tegtay magaaladaas oo ay ku jiraan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka, iyaga oo kadib ku laabtay gudaha xeradooda milatari ee duleedka Garoowe.

- Advertisement -

Read more

Local News