25.4 C
Mogadishu
Friday, July 10, 2026

DF Soomaaliya oo maanta heshiisyo muhiim ah la saxiixatay dalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nouakchott (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mauritania, Maxamed Saalim Marzuuq, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mauritania.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya, ahna Danjiraha aan degganeyn ee Mauritania, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday labada dal.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga diblomaasiyadeed iyo sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta ka dhexeysa Soomaaliya iyo Mauritania.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa sidoo kale kala saxiixday saddex heshiis is-afgarad (MoU), kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah horumarinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dowladood.

Heshiisyada ayaa diiradda saaraya iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, kalluumeysiga, batroolka iyo waxbarashada, kuwaas oo la filayo inay sare u qaadaan xiriirka labada dal.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in booqashadiisa Mauritania ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojineyso xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa gobolka.

Booqashadan ayaa la filayaa inay sii xoojiso iskaashiga siyaasadeed, amniga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mauritania, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta heshiisyada ay kala saxiixdeen.

- Advertisement -

Read more

Local News