28.9 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo culus kadib weerarkii Godka Jilacow

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta weerarkii is qarixinta ee ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Godka Jilacow, waxaana haatan ciidamadu ay xireen qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla caasimada, halkaas ooo lagu arkayo gaadiidka ciidanka.

Ciidamada ayaa celinaya dhammaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo mootooyinka ka shaqeeya gudaha caasimada, taas oo keentay in shacabka ay lugeeyaan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in sababta loo xiray jidadkan ay tahay si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, maadaama gelinkii dambe ee Sabtidii uu dhacay weerar shaki badan dhaliyay oo ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta baarista NISA ee Godka Jilacow.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah isgoysyada Sanca, Jardiinka, Siinaay, Foloranza, Aadan Cadde, Howlwadaag, KPP, Isgoyska isku xira Carwadii qaranka iyo Taleex, Tarabuunka, Banaadir iyo dhammaan waddooyinka gala aagga Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa saaka la xanibay dhaq-dhaqaaqa gawaarida habeenkii gasha Dekedda wayn ee Muqdisho, kuwaas oo illaa iyo hadda ku xayiran qaybo kamid ah caasimada.

Arrintan ayaa keentay saxmad wayn oo haatan ka jirta gudaha caasimada, maadaama inta badan la xiray waddooyinka waa wayn ee caasimada.

Weerarkii shalay ayaa dhaliyay tuhun wayn, maadaama ragga fuliyay ay wateen gaari loo ekeysiiyay midka hay’adaha amniga, laguna buufiyay astaanta NISA, taas oo u sahahay inuu gaaro bartilmaameedka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda.

“Tani waxay muujineysaa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyeeyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda,” ayaa lagu xusay war-saxaafadeedka.

Dowladdu waxay tilmaamtay in weerarkaasi uu daaha ka qaaday daldaloolo amni oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, gaar ahaan ilaalinta gaadiidka iyo hubka ciidamada ee maraya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago in argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro.

Xukuumadda ayaa sheegtay in weerarka Sabtida dhacay uu ahaa mid ay kooxda Al-Shabaab ugu jawaabeysay guulihii ciidamadu ka gaareen gobollada koonfureed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada ah shalay ka xoreeyeen deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.

- Advertisement -

Read more

Local News