26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Dowladda oo shaacisay inay diyaaradaha ku qasbi doonto…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo lagu doonayo in lagu qasbo shirkadaha diyaaradaha ee gudaha dalka inay qaadaan qudaarta iyo miraha laga soo saaro gobollada.

Qorshahan ayaa looga dan leeyahay in kor loogu qaado amniga cuntada iyo suuq-geynta wax-soo-saarka maxalliga ah, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir.

Wasiirka oo ka hadlayey Madasha Horumarinta Beeraha ee Wasaaraddu qabatay Axaddii, ayaa xusay in beeraha iyo xoolaha ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, hase yeeshee ay jiraan caqabado badan sida dagaallo iyo burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaale.

“Diyaaradaha waxaan ku qasbi doonaa inay qaadaan khudaarta gobollada laga soo saaro, si loo geeyo suuqyada dalka. Tani ma aha hadal cusub ee hore ayaan u sheegay,” ayuu yiri Wasiir Xayir, isagoo tilmaamay in shirkadaha diyaaradaha qaarkood aanay danaynin wax-soo-saarka gudaha.

Wuxuu ku eedeeyay shirkadaha diyaaradaha inay mudnaan siiyaan qudaarta laga keeno dalalka shisheeye, halka ay dayacaan midda laga soo saaro Soomaaliya.

“Nasiib-darro ayay tahay in diyaarado Soomaaliyeed ay khudaar dibadda ka keenaan, halka ay Baydhaba ka soo qaadi waayeen,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiir Maxamed Cabdi Xayir.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la ballaarin doono qeybta suuq-geynta qudaarta iyo miraha si loo kordhiyo wax-soo-saarka iyo tayada dalagyada gudaha, isagoo xusay in qorshahan uu qayb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo amniga cuntada iyo horumarinta dhaqaalaha reer miyiga, gaar ahaan suuqyada gudaha, si loo kordhiyo dakhliga iyo shaqo-abuurka bulshada reer miyiga.

Soomaaliya ayaa weli soo dhoofsata qudaar iyo miro, inkastoo ay leedahay dhul bacrin ah oo dabooli kara baahida gudaha haddii si buuxda loo maalgashado.

- Advertisement -

Read more

Local News