25.8 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Xamza oo si yaab leh uga jawaabay aflagaadada Trump

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii u horeysay ka hadlay hadalladii aflagaadada ahaa ee dhowaan ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in hadallada guracan ee Trump aysan hadda bilaaban, isla markaana uu horey weeraro afka ah ugu qaaday dalal badan oo caalamka ah.

Xamza oo hoos u dhigaya hadallada Trump ayaa tilmaamay in aysan u qalmin in la isku hawlo, ayna tahay in laga aamuso oo aan waxba laga soo qaadin, sida uu hadalka u dhigay.

“Donald Trump wadamo badan ayuu wax ka sheegay, in aynan ka hadlin oo iska dhaafno ayaa ka dhib yar,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadalkan ayaa imanaya xilli bulshada Soomaaliyeed ay caro xooggan ka muujiyeen hadallada aan loo meel dayin ee ka imaanaya Trump, kuwaas oo si xun ugu aflagaadeynayo dowladda Soomaaliya iyo Soomaalidaba.

Trump ayaa muddooyinkii dambe si isdaba-joog ah u bahdilayay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay meel dunida ka hadhay, oo aan lahayn dowlad iyo ciidan toona, isla markaana aysan ka jirin wax aan dagaal iyo dambi ahayn.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Soomaaliya ka dhigtay dal uu mar walba u soo qaato tusaale xun, isagoo eedeymo aan loo meel dayin u jeediyay bulshada Soomaaliyeed.

Trump ayaa gaaray xitaa heer uu Soomaalida ku tilmaamo “qashin. Wuxuu sheegay in Mareykanku aadi doono jihada khaldan haddii uu sii wado in uu qaabilo qashin, oo ula jeedo Soomaalida soo-galootiga.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale beegsanaya muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Mareykanka, oo uu sheegay inay “waxba ku soo kordhin,” isla markaana uusan doonayn in dalkooda joogaan.

Hadalladiisa ayaa imanaya, xilli la filayo in howlgal ballaaran oo ka dhan ah dadka soo-galootiga ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota uu ka bilowdo halkaas, kaas oo si gaar ah u beegsanaya jaaliyadda Soomaaliyeed, kadib amar kasoo baxay Trump.

- Advertisement -

Read more

Local News