Taleex (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah uga hadlay dagaalo ka dhacay degmada Taleex ee gobalka Sool, kaasoo ay ku dhinteen siddeed qof , dagaalka ayaa la sheegay in uu dhexmaray maleeshooyin kala taageersan Khaatumo iyo Puntland.
Haddaba raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa u tacsiyeeyay dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.
“Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay Taleex: Intii dhimatay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawacaana ha u booga dhayo,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu oo ku baaqay in miyir, daganaansho, iyo walaaltinimo lagu xaliyo xaaladda taagan iminka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga waantoobo in xalka lagu raadiyo dagaal.
Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya waxay markale ku baaqaysaa in si walaaltinimo ku jirto loo xaliyo xaaladda ka taagan deegaanka Taleex. Waxayna dhanka kale ka digaysaa dhibaatada uu shacbiga iyo deegaanka u gaysan karo dagaal ka sii socda gobolka Sool.
Dhinaca kale, Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha- Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay in uu walwal xoog leh ka qabo dagaalka ka qarxay dhawaan Gobolka Waqooyi Bari ee Sool.
“Dagaal weligiis laguma xalinin Arrimo Siyaasadeed mana lagu xalin doono. Dhamaan dadka meesha jooga oo ay arrinta khuseyso, waa in ay hadda muujiyaan daganaasho, raadiyaana dib-u heshiisiin”, ayuu yiri Kay.
Ergaygga Gaarka ah eeqaramadamidoobay uqaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay waxa uu aad uga xumaaday dadka ku dhintay dagaalka, wuxuuna tacsi u diray eheladii dadkii dhawaan lagu dilay meeshaas.
“Aragtida Siyaasadeed ee lagu kala gadisanyahay iyo Arrimaha la kala Sheeganaayo, waa in lagu xaliyaa wada hadal. Nabadgeliyada iyo Xasiloonidana waxay muhiim u yihiin habka doorashada Puntland,” ayuu ku yiri Ergaygga.
Mudane Kay iyo mas’uuliyiin ka tirsan UNSOM ayaa la wadda xariiray Madaxda ka jirta Gobolka,waxayna ku guubaabiyeen in ay is-xakameeyaan, waxayna ugu baaqeen in ay gacan ka geystaan Wada haddalka iyo dib u heshiisiinta.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho