26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

DFS oo shaacisay xiliga uu bilaaban doono la xisaabtanka shaqaalaha Dowlada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed ”Khadar”, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay shaqooyinka ka socda xarumaha dowlada.

Khadar ayaa sheegay in DFS ay si cad ula xisaabtami doonto shaqaalaha dowlada waxa uuna sheegay in xisaabtankaasi uu imaan doono goortii la dhameystiro xuquuqda shaqaalaha.

Khadar, waxa uu sheegay in shaqaalaha dowladda lala xisaabtami karo marka xuquuqdooda si joogto ah ay u helaan, waxa uuna tilmaamay in la xisaabtanka shaqaalaha uu si joogta ah u imaan doono marka ay joogteeyan xuquuqda.

Khadar, waxa uu carab dhabay inay la socdaan in shaqaalaha dowlada ay ku shaqeeyan duruufo kala duwan loona baahan yahay in lagu qadariyo duruufta jirta.

Sidoo kale, waxa uu sheegay si loola xisaabtamo shaqaalaha iyo Ciidamada dowlada in loo baahan yahay in la kordhiyo Mushaaraadka ay qaataan, sidoo kalena Mushaaraadkooda ay u helaan si joogto ah.

Geesta kale, Khadar ayaa ku taliyay in la kordhiyo Mushaaraadka Ciidanka, si ay u xaqiijiyaan amniga dalka gaar ahaan caasimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News