25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

DFS oo war cad kasoo saartay wadahadalada kala dhexeeyay Somaliland ee hakatka galay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dib loo bilaabayo wadahadalada u dhexeeya dowlada iyo maamulka Somaliland.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Xukuumada Mahdi Maxamed Guuleed ”Khadar”, ayaa sheegay inaanu jirin dagaal ka dhexeeya DFS iyo maamulka Somaliland, waxa uuna sheegay in si dhaqsi ah uu ku furmi doono wadahadalada.

Khadar, ayaa sheegay in DFS ay go’aan ku gaartay inay ka mirro dhaliso wadahadalada waxa uuna cadeeyay in Somaliland ay ku wadahadli doonaan ”Dowlad iyo maamul Goboleed”.

Khadar, ayaa sheegay in wadahadalka uu bilaaban doono wixii ka danbeeya doorashada maamulka Somaliland ee dhawaan dhaceysa.

”Waa hubaal in wadahadalkaani uu waxbadan ka duwanaan doono kuwii hore, waxaan ku baaqeynaa in si guud loo wada garto danaha Qaranka, iyadoo aan farfar ku fiiq laga dhigeynin wadahadalka”

Geesta kale, Khadar ayaa cadeeyay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaruhuba ay diyaariyeen qorshooyin ka duwan kuwii hore oo suuragalinkara in la wadahadlo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News