Dhacdo aad u fool-xun oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Xaafada Waxar-cade adde Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dil fool-xun oo uu geystay Aabe Soomaaliyeed.

Aabahaani oo maskaxda looga jiray ayaa dilay canug yar oo uu dhalay, waxa uuna sidoo kale dhaawac halis ah u geystay Hooyada iyo Aabaha isaga dhalay.

Aabahaani dilay canugiisa isla markaana dhaawaca u geystay Hooyada iyo Aabaha dhalay ayaa waxaa lagu soo baraarugay isagoo gacmaha dhiig ku leh oo dhex laafyoonaaya isla Xaafada Waxar-cadde.

Aabahaani ayaa waxa uu sidoo kale isku dayay inuu khaarijiyo laba gabar oo la dhalatay iyo Xaaskiisa oo lugtooda kaga baxsaday kadib markii uu eryaday.

Dadka deegaanka oo ku jahwareeray qabashada Aabahaasi madaxa looga jiray, ayaa markii danbe wargaliyay ciidamada Degmada oo xili danbe lugta ka dhaawacay Aabahaasi, waxa uuna diiday inuu isku dhiibo ciidamada.

Dadka ku dhaqan xaafada Waxar-cade ayaa aad u hadal haya dhacdadaani foosha xun, waxa ayna sheegayaan in Aabahaasi uu damacsanaa inuu geysto khasaare intaa ka badan.

Dhacdada noocaani ah ayaa muddooyinkaani danbe ahaa mid kusoo laalaabaneysay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com