Dhacdo xanuun badan: Muwaadin Soomaali ah oo Xaaskiisa si fool xumo badan ugu dilay dalka Ingiriiska

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in halkaa muwaadin Soomaaliyeed uu ku dilay xaaskiisa.

Muwaadinkan oo lagu magacaabo Aadan Daahir oo Soomaali ah ayaa waxa uu xaaskiisa Aasiya Cumar dilay, kadib markii uu dhexmaray Khilaaf.

Aadan Daahir ayaa dilka xaaskiisa u adeegsaday Mindi, taasi oo uu kaga dhuftay qeybaha dhexe ee jirkeeda.

Marxuumada Aasiya Daahir ayaa markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka, balse waxaa markii danbe lasoo wariyay geerideeda.

Marxuumaha ayaa la sheegay inay aheyd 27 sano jir, oo Aadan u dhashay laba cauur ah, oo wiil iyo gabar kala ah, waxa ayna wada noolaayen mudo 9 sano ah,

Qoyska Gacan ku dhiiglaha ayaa sheegay in labada ruux ay maalmahan ahaayen kuwo uu u dhexeeyay khilaaf dhanka nolosha ah.

Dhinaca kale, Booliska ayaa xiray gacan ku dhiiglaha oo iminka ku jira gacanta dowlada, waxaana la filayaa in la horgeeyo sharciga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com