27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Dhagarqabe ka danbeeyay geerida in kabadan 20 ruux oo lagu fuliyay dil toogasho ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee DFS ayaa saakay xarunta tababarka Ciidamada Booliska ee Gen Kaahiye ku toogatay darawalkii waday gaarigii ku Qarxay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari.

Qaraxa loo toogtay wadahaani ayaa dhacay taariikhdu marka ay aheyd 27-kii November 2016, waxaana ku dhintay inkabadan 26 ruux.

Ninkaani ay goordhow Maxkamada ku fulisay xukunka dil ah, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdi Xasan.

Ciidamada Ammaanka ayaa Gacanta ku dhigay C/qaadir Cabdi Xasan Maalinkaas xilli uu gaariga soo dhigay Suuqa Beerta,waxaana Gaarigii uu halkaas soo dhigay Qarxiyay Nin kale oo la socday balse Xilligaas Gacanta Ciidamada ka baxsaday.

Maxkamadda ayaa horay xukun xabsi min 15 sano ah ku riday labo nin kale oo ku lug lahaa qaraxa gaariga caasiga ah, kuwaasoo laga soo qabtay Garaash lagu diyaariyay gaariga qarxay.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa labadii bil ee lasoo dhaafay fulisay dilalkii ugu badnaa tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News