Dhageysiga dacwadda u dhaxeysa C/Welli Gaas iyo C/Xakiin Cameey oo ka bilaabaneysa Garowe

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta la filayaa in maxkamadda sare ee maamulka Puntland dhageysato dacwadda u dhaxeysa madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa oo isku qabtay magacaabidda guddiga xalinta Khilaafaadka.

C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa dacwadaan u gudbiyay maxkamadda sare ee maamulka Puntland, si ay go’aan kaga gaarto kiiskaan.

Dacwadda ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweyne ku xigeenka Puntland uu shegay inaan lagala tashan magacaabista guddiga xalinta Khilaafaadka ee uu magacaabay madaxweyne Gaas.

Maxkamadda sare ee Puntland oo dacwadda qabatay ayaa maanta u yeertay qareennada kala matalaya labada Mas’uul,waxaana loo ballansanyahay saaka 9:00AM Subaxnimo.

Puntland waxaa ka dhaceya doorashada madaxtinimo billowga bisha soo socota,waxaana hadda socda ololaha doorashada iyo dhismaha Baarlamaanka Puntland ee dooran lahaa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Lama oga go’aanka ay gaari karto maxkamadda, waxaana sidoo kale la saadaalin karin sida labada dhinac ay ugu qanci doonaan go’aanka maxkamadda ay gaarto.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com