28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: 23 sano kadib Muqdisho oo laga hirgaliyay samaafaraha wadoyinka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho Caasimada online Muqdisho  waxaa maanta laga gaaray nalalka Samaafaraha (Traffic Lights), muddo 23-sano ah oo dalka bur bur uu ka jiray  ka dib .

Wadada Hormarta Guriga hooyooyinka ee degmada Xamar weyne iyo sidoo kale Golihii Murtia iyo Madadaalada qaranka ee National Theatre ayaa la sheegay in laga hir galiyay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan, oo  wuxuu sheegay in muddo 23 sano kadib, ay ku guuleysteen in ay dib u soo celiyaan Samaafarihii kala hagaayay gawaarida.

Gaadiidka qaar ee sida qaldan u adeegsada wadooyinka ayuu sheegay in arintan ay wax badan ka qaban doonto , isagoona arintan ku sheegay guul usoo hoyotay bulshada reer Muqdisho.

Afahayeenka Gobolka Banaadir, wuxuu sheegay in guud ahaan wadooyinka magalada ay ka hir galintoonaan isla-markaana kuwan iminka laga hirgaliyaya wadadan maka almukarama  ay yihiin kuwo hor dhac ah oo kaliya.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada ee Wadooyinka Magaalada Muqdisho Cali Barre Xersi, oo dhankiisa Saxaafada la hadlay,  ayaa si aad ah usoo dhaweeyay hawsha uu suura galiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Taliyaha, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in soo celinta nidaamkii hagista ee gaadiidka, ay yareyn doonto shilalka xilliyada qaarkood ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Dadka qaar ayaa is weydiinaya Muqdisho Ma maka al-mukarama oo kaliya mase horumarka wadadaasi waxaa loogu daneynayaa madaxda dalka imaaneysa inkastoo uusan daah saarneynwax qabadka maamulka Gobolka sida dadka qaar ay kuu sheegayaan.

Halkaan ka dhageyso Samaafadaha Muqdisho laga hirgaliyay

100305_001

sama 1sama 2sama 3sama 4sama 5

[email protected]

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News