Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Ahlu sunna ayaa hadlay dagaalada ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, una dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ahlu sunna.
Xasan Cabdi Cali, oo kamid ah saraakiisha ururka Ahlu sunna oo la hadlay saxaafada ayaa guulo ka sheegtay dagaaladii ka dhacay degmada Guriceel, wuxuuna sheegay inay ku dileen ciidamo badan oo dowlada ka tirsan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Ahlu sunna ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano ku dhawaa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, isagoo sheegay in ciidamada Ahlu sunna ay amaanka xaqiijinayeen.
Sarkaalkaasi ka tirsan Ahlu sunna ayaa sidoo kale sheegay inay dhawaan qorsheynayaan inay weeraraan degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in 24-ka saac ee soo socda ay weerarayaan degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, isagoo cadeeyay inay halkaasi shir jaraa’id ku qaban doonaan, sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada Ahlu sunna ayaa wali gacanta ku haya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyadoo dagaalkii shalay uu sababay dhimashada 7 ruux iyo dhaawaca 20 ruux oo kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]