28.3 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Dhageyso: Ahlu Suna oo ka hor timid qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusomareeb

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Galgaduud (Caasimada Online)-Ururka Ahlu sunna ayaa si cad kaga hor yimid iney aqbalaan waxyaabaha kasoo bixi kara shir lagu qabto magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ku simaha gudoomiyaha golaha fulinta ayaa sheegay in maamulka Ahlu sunna uusan quseyn waxyaabaha kasoo bixi kara shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka.

Wuxuu sheegay in wax wada tashi ah aan lagala sameyn sameynta maamulka lad oonayo in loo dhiso gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, sida uu sheegay Sh. Maxamed Shaakir.

Wuxuu ku hanjabay in waxyaabaha ka dhasha maamul sameyntaasi ay qaadan doonaan masuuliyadeeda dowlada Soomaaliya iyo cidii ka dambeysay iyadoo aan lala tashan in maamulkaasi la dhiso.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News