25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhageyso: Baadiyoow oo nasiib daro ku tilmaamay khilaafka madaxda dalka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) C/raxmaan Baadiyoow ,  oo ka mid ahaa musharixiintii isku soo taagay xilka madaxtimo ee dalka  septembar 2012-kii ayaa ka hadlay iminka khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee dalka .

Baadiyoow ayaa sheegay in khilaafaadka soo ka dhex gala  madaxda sare ee dalka uu noqday mid caado ah isla markaana soo jireen noqday waxaana uu ku tilmaamay mid laga xumaado in xiligan ay is khilaafaan madaxda ugu sareysa dalka .

“ waa wax laga xumaado arintan waxay noqotay mid soo laa laabata laga soo bilaabo sanadkii  2000 xilligii Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan ilaa xilligan aan joogno waxaan leeyahay xal aan khilaaf aheyn hala raadiyo” ayuu yiri Baadiyoow

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud aya ra’isul wasaarihiisa ku eedeeyay in uusan waxba qaban mudadii uu xilka hayay inkastoo ra’isul wasaaraha uu khilaafka u dhexeeyay isaga iyo madaxweynaha uu ku sheegay inuu  yahay mid dastuuri ah .

Baarlamaanka Somalia oo ku kala qeybsan khilaafka madaxda sare ee dalka qaarkoodna mooshin ka keenay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya aya laga sugayaan go’aan ka gaarida khilaafkan .

Halkaan Hoose ka dhageyso Baadiyoow

Baadiyow

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News