26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

DHAGEYSO: Cabsi heysata Soomaalida kadib 2 gabdhood oo lagu gowracay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Wararka ka imaanaya Tuulo Duleedka ka ah Magaalada Johannespergl ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay iminka Xiisad kac sanaan ah oo u dhexeysa Soomaalida ku ool halkaasi iyo Dadka deegaanka.

Wararka waxay Tilmaamayana in arintan ay timid kadib markii Goobo Gancsi oo ay Soomaalidu leeyihiin Meel u dhow lagu arkay Meydadka laba Gabdhood oo la gowracay , taasi oo Caro iyo Naxdin ku abuurtay dadka deegaanka.

Gabdhaha la dilay meydkoodana laga helay Goobaha Qashinka ayaa Da,doodu waxaa lagu kala sheegay 5 Sano Jir iyo 6 sano jir , kuwaas , oo xilliga Meydooda la arkayay ay ayaaheen kuwa qoorta ka go’an .

Soomaalida ayaa arintan waxay ku tilmaameen mid Shirqool ah , Balse dadka degaanka oo Soomaalida  Ganacsatada ah Falkan ku eedeeyay ayaa Bilaabay durba boob iyo Dhac ay kula dhaqaaqayaan Dukaamada Soomaalida ay leeyihiin.

Dowlada Koonfur Afrika wali arintan wax war ah kama aysan soo saarin hayeeshee Xaafada ay Mashaqadan ka dhacday ayaa la sheegay inay ku badan yihiin dadka Sambabwiyaanka ah , waxaana Jira sida wariye ku sugan halkaasi uu soo sheegayo Xurguf hore oo u dhexeysay.

Wariye Maxamed Cali Guleed, oo ka mid ah Wariyaasha Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool aya Xilli uu BBC-da la hadlayay wuxuu sheegay in iminka wali ay jirto  Cabso iyo Xiisad kacsanaan ah oo  ka taagan halka ay Rabshadu ka dhacay .

Halkaan ka dhageyso Waxa Koonfur Africa ka dhacay

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News