Kismaayo (Caasimada Online) – Tan iyo markii laga saaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxa ay saraakiisha ku xiran Barre Hiiraale ay sheegayeen inay dib u qabsan doonaan magaaladaas, kana saari doonaan maleeshiyada iminka haysata ee Raaskambooni.
Saraakiishan oo iminka ku sugan deegaanka Goobwayn ee duleedka magaalada Kismaayo, ayaa sheegay inay dhowaan u ruqaanasan doonaan gudaha magaalada Kismaayo kadib markii sida ay sheegeen dhibaato loo gaystay dadkii shacabka ahaa.
Waxa ay tani imaneysa ayada oo magaalada Kismaayo ay maalmahan ka socdaan dilal qorsheysa oo la sheegay in salka ku hayaan is ugaarsi beeleed.
Waxa ay shaacaa ka qaadeen inay ayaga oo wata ciidamo tira badan oo dhammaantood raacsan Barre Hiiraale ay weerar ku yihiin Kismaayo.
Col Daahir Maxamed Xirsi oo saraakiisha ka tirsan ayaa ka warramay qorshahooda iminka
Halkan ka dhageyso Wareysiga
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]