Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarahihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa khudbad xiiso badan ka jeediyay munaasabad shalay madaxtooyada ka dhacday oo u xilka ugu wareejiyay ra’iisul wasaare Cumar Cabdirishiid.
Cabdiweli oo hadalkiisu ahaa mid u badan kaftan, ayaa waxa uu yiri “Ra’iisul wasaare xilka markuu ka dagayo caraysan haddaad arki jirteen anniga waan faraxsanahay, midda kale ragga meesha fadhiya qaarkood saa’id bay usoo labisteen miyay soo laaban doonan, waa lawada soo laaban doono”.
Arrinta kale ee uu ku kaftamay Cabdiweli waxay ahayd in isaga iyo madaxweynaha aysan muddo is arkin, waxaana uu yiri “Maanta waxaan arkayaa madaxwenyaha oo baryahan aanan is arag”.
Cabdi Weli Sheekh Axmed Waxuu sheegay inuu ku dhex-jiri doono siyaasada oo usan ka bixi doonan, inkasta oo laga qaaday xilkiira’iisul wasaaraha oo uu hayey muddo sanad ah.
Cabdiweli ayaa Cumar Cabdirashiid uga digay inuu xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka kusoo daro xukuumadda cusub ee uu soo dhisayo.
“Wax yar ayaad is qabanaysaan kadibna Xildhibaan ayuu noqon oo Mooshin ayuuba Wasiirkii abaabuli” ayuu yiri Cabdiweli.
Halkan ka dhageyso hadalka Cabdi Weli Sheekh
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]