Muqdisho (Caasimada online) Xilli dib u dhac uu ku yimid shir lagu wday in shanta Bishan uu ka furmo Muqdisho , kaas oo lagu madal sanaa in looga hadlo aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa waxaa Soo ifbaxaya baaqyada arintaas ku aadan ee loo jeeedinayo maamulka Jubba iyo dowlada Soomaaliya.
Suldaan Cabdi Casiis Cumar Daad Beyle wuxuu ka mi yahay Waxgaradka kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo Dib u dhaca Shirkaas , waxaase uu sheegay in loo baahan yahay in maadaama waqtiga shirka dib loo dhigay la isku sii diyaariyo wax wanaagsan oo kiro dhal ah ay uga soo baxaan .
Wuxuu sheegay inuu talo ahaan usoo jeedinayo in la raadiyo guddi arintan dhex dhexaad ka ah oo Maamulka Jubbana wax u sheegi kara dowlada Soomaaliyada dhankeeda wax u sheegi kara sida uu tilmaamay .
Suura galnimada in shirkaas ay kasoo baxaan wax mira dhal ah mid wali muran uu ka taaganyahay waxaana jira kala qeybanaan ku saleysan dhanka Odayaasha iyo Waxgaradka goboladaasi dega , xukuumaduna waxay sheegtay in ka hor shirkaas laga sii baaran dagi doona isagoo loo diyaar garoobayna uu bilaanmi doono.
Afhayeenka Xukuumad Soomaaliya wuxuu sheegay in lama maar maan ay yahay ka qeyb galka Shirkaas, waxaase uu sheegay in hadii shirkaas Muqdisho lagu qabto iyo hadii Kismaayo lagu qabto uusan Micno weyn u arkin males muhiimada uu tahay in shirkaas uu dhaco
Suldaan daad beyle wuxuu xaaraan ku tilmamay Heshiiskii Adis Ababa ku dhexmaray dowlada Soomaaliya, waxaana uu qeyb ka yahay dadka dhaliilsan siyasada Maamulka Jubba hayeeshe , wuxuu sheegay in lagama maarmaan ay yahay si xal buuxa arintan loogu helo in la helaa guddi dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubba ka madaxbanaan .
Maamulka Jubba waxay hore u diideen ka qeyb galka Shirka Muqdisho ee Shanta Bishan lagu balansanaa hayeeshee xukuumadu ay shaacisay inuu furmi doono 21-Bishan inkastoo sababta rasmiga ah aan la ogeen .
Xukuumadu waxay sheegtay in arintan ay ula jeedo in loo sii diyaar garoobo shirka , hayeeshee Warar ayaa sheegaya in diidmada maamulka Jubba uu salka ku hayo baaqasha iyo dib udhaca shirka aayaha Jubooyinka iyo Gedo.
Arinta Jubbooyinka iyo Gedo oo Muran dheeday kadib xal Adis Ababa looga soo gaaray ayaa imika waxaa muuqanaya in mar kale ay ka dhex tafatay , Maamulka Axmed Madoobe ayaa ku dacwoonya in shirkii Jubbooyinka ee Muqdisho uu hore usoo dhacay waxa la sugayana uu yahay wajigii labaad ee shirkaas oo kismaayo ka dhaco.
Halkan ka Dhageyso Suldaan daad beyle
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho