25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhageyso Gaas: “Ma ogoli qaar ka mid ah qodobada heshiiska DF iyo S/land”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Prof. Cabdiweli Cali Gaas, madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka hadlay heshiiska ka kooban 6 qodob ee shalay ay Djibouti ku gaareen madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Prof. Gaas oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay inuu diidan yahay qodobo ka mid ah heshiiska, gaar ahaan arrimaha ka hadlaya maamullida hawada Soomaaliya, isagoo sheegay in heshiiskaasi ay markii hore qeyb ka ahayd Puntland, balse uu la yaaban yahay in dowladda Somalia iyo Somaliland ay kaligood isku koobeen.

Prof. Gaas wuxu kaloo sheegay in marka laga hadlayo masiirka arrimaha Soomaaliya aanay kaligood ku koobnaan karin madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Somaliland, loona baahan yahay in Puntland ay arrimahaasi qeyb ka noqoto.

Madaxda Somalia iyo Somaliland ayaa ku heshiiyay in la dar-dargaliyo wadahadalladii u socday, iyagoo ku heshiiyay in mar kale kulan ay ku yeeshaan Istanbul bisha Febraury 26-27-keeda.​

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News