25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Dhageyso Galaal: Qorshuhu ma ahayn Mudug & Galgaduud ee wuxuu ahaa…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Galgaduud (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan qalalaasi dagaal ay ka dhaceen degmooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel ayaa haddana dhanka kale waxaa socda dadaalo iyo qorshe la doonayo in dagaaladaasi lagu dhameeyo oo la isku soo dhaweeyo dadkii dagaalamay.

Generaal Maxamed Nuur Galaal, oo kamid ah saraakiishii hore ee dowladii Siyaad Barre ayaa ka hadlay qorshe uu ka waday deegaanada gobolka Galgaduud, wuxuuna ugu horeyn sheegay inuu wanaagsaneyn inay hishiisyaan ururka Ahlu sunna dhexdooda.

Sidoo kale waxaa la weydiiyay qorshihii uu ka waday gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, wuxuuna ugu horeyn sheegay inuu doonayay nabad ka dhalata deegaanada gobolka Galgaduud.

“Markii hore waxaan kamid ahaa dadkii ku taliyay in Ahlu sunna ay dhexdooda hishiiso, intee arintaasi socotay waxaa yimid gobolka dowlada oo Xamar kasoo dhaqaaqday”sidaasi ayuu yiri Mr Galaal.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay qorshaha mideynta iyo dhismaha maamulada iyo sida uu jeclaan lahaa in gobolka Galgaduud la raacsiiyo.

“Aniga waxaan rabay in marka hore gobolka Kaliya maamul rasmi ah loo sameeyo kadibna ay la hishiiyaan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gobolka uu noqdo mid qeyraad, xoolo iyo dhaqaale leh” ayuu yiri markale.

Wuxuu sheegay in marka loo eego fikirkiisa aysan la wanaagsaneyn in la mideeyo gobolada Mudug iyo Galgaduud, laakiin ay la wanaagsaneyd dhismaha maamul wanaagsan oo uu yeesho Galgaduud, kadibna Galgaduud lala mideeyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Halkan ka dhageyso wareysi uu Galaal siiyey BBC

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News