25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Dhageyso: Gen. Darwiish oo amray in xaafad Kismaayo ku taal la isaga baxo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubba Gen, Maxamed Warsame “Darwiish” ayaa lagu sheegay in maanta laga baxo guraha dowlada ee ku yaala magaalada Kismaayo iyo xaafad laga dhistay garoonka diyaaraha meel u dhaw.

Gen, Darwiish, ayaa sheegay inay ka codsanayaan shacabka degan meelaha wareegtadu tilmaameyso inay ka baxaan guryahaasi. Isagoona cadeynaya meelaha ay amrayaan in laga baxo waxa uu yiri.

” Waxaan dadweynaha reer Jubaland si loogu shaqeeyo ka codsaneynaa inay ka baxayaan guryaha dowlada ee kala ah guriga gobolka, guriga Ceymiska, guriga qunsuliyada iyo wixii la mid ah oo ay dowladu leeyahay. Waxaana cadeynayaa in wax badan hadalkaasi lagu celceliyey oo aan wali codsaneyno in laga baxo” ayuu yiri Gen, Darwiish oo intaasi ku daray inay jirto xaafad ku taala banaanka magaalada Kismaayo oo ku dhaw garoonka taasi oo ay iyadana dalbanayaan in gebi ahaanba la baneeyo.

” Xaafad garoonka ku dhaw ayaa jirta oo iyada oo dhan cooshad ah taasina waxaan amreynaa in la baneeyo gebi’ahaan. Sababtuna wax kale ma ahan waa sidii ammaanka garoonka loo ilaalin lahaa” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga maamulka Jubba.

Gen-Darwiish

Dhinaca kale waqtiga loo qabtay inay dadka guryahaasi uga baxaan ayaa ah mid aad u yar oo ku eg maanta oo kaliya, iyaddoo ay adeg tahay in qof 23 sano deganaa guri dowladeed ama guri banaanka magaalada ku yaal sida uu maalin qura uga guuri karo.

Wareysiga ayaa markale lagu weydiiyey sida ay macquul ku tahay waqtiga ay dadka u qabteen oo yar darteed in guryahaasi looga guuro iyo inay jirto meel dadkaasi ka maamul ahaan ay u diyaariyeen haddii ay ka guurayaan meesha ay hadda degan yihiin? Waxaase uu sheegay Gen, Darwiish in magaalada Kismaayo weyn tahay oo ay ka helayaan guryo aan qaali aheyn kiradooda, isagoona intaasi ku daray inay xitaa maamul ahaan caawin doonaan dadkaasi sidii ay ku guuri lahaayeen.

” Kismaayo waa magaalo ballaaran waana ay ka helayaan guryo ay degaan, waliba guryaha ma ahan qaali. Dadkaasi insha’allaahu waanu taakuleyneynaa oo waxay ku degaana waan u raadineynaa. Waxaase ka codsaneynaa inay nala shaqeeyaan si guryaha aan ugu adeegno oo aan iyaga ugu shaqeyno” ayuu yiri Gen, Maxamed Warsame Farax “Darwiish”

Waxaase uu sheegay in dadka aan u hogaansamin wareegtada uu soo saaray ay gacan ula tegi doonaan kadibna ay xoog uga saari doonaan guryaha ay ku jiraan.

” Haddii ay ka bixi waayaan guryaha ay ku jiraan ee lagu amrayo waxaan ku sheegayaa inaan gacan ula tegi doono islamarkaana aan xoog u adeegsan doono si aan meeshaasi uga saarno, sababtoo ah guri dowladeed iyo meel ammaanka qatar ku ah cidna looga leexan maayo. Mana jirto cid iyo qabiil gaar ah oo loo socdo ee waa dan guud” ayuu yiri Gen, Maxamed Darwiish.

Qaarka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa qortay in wareegtada Gen, Darwiish ay ku saabsan tahay xitaa in xaafada Guulwade oo ka mid ah kuwa ugu waa weyn Kismaayo la isaga baxo,maadaama horey halkaasi u aheyd xero ciidan. Waxaase arrintaasi beeniyey Gen, Darwiish oo sheegay inaysan wareegtadiisa hadda soo baxday maanta quseyn xaafadaasi balse wixii dhul dowladeed ah la isaga imaan doono.

” Adeer anaga website ma nihin ee waxaanu Nihau maamulka Jubaland. Waxa aanu cayinayna wax la yaqaan weeye, guryo dowladeed weeye,xaafado dad shacab ah ma ahan. Wareegtada hadda aan soo saarayna kuma jirto xaafado iyo dad la barakicinayo. Waxaasina isku dir weeye oo wax wanaagsan ma ahan.Madax afkeedna ma ahan.Maamulkana dadka inay u adeegaan oo ay u nasteexeeyaan ayaa loo dhisay ee looma dhisin inay dadka dibin-daabyeeyaan ama burburiyaan” ayuu yiri Gen, Maxamed Warsame “Darwiish” oo intaasi ku daray :

” Adeer meeshii cooshad ah ama loogu soo gamban karo ammaanka in lagu dhibaateeyo waxaan leenahay hala baneeyo laakiin xaafada guulwade hala tirtiro iyo guryo shacab leeyahay hala burburiyo adeer afkeyga ma ahan, mana ahan af mas’uul warkaasi”ayuu yiri Gen, Darwiish.

Laakiin waxaa uu sheegay markii uu maamulka Jubba taabo galo oo ay dowladnimada Soomaaliya fariisato in xaafadii ka dhisan dhul dowlad laheyn iyo qofkii dhul dowladeed ka dhigtay dabaqyo lala xisaabtami doono.

” Dadkii shacab ah ee markii uu maamulka taabaqaado, haddii ay xaafado ay jiraan, meelo dowladi laheyd guriyo laga dhistay, hadde adeerow waxa Xamar ka socda iyo waxa Kismaayo ka socda maxay uga badelan yihiin?. Ninkii meel dowladi leedahay dabaqyo ka dhistay dowlada waa la xisaabtami doontaa laakiin hadda wareegtadani ma quseyso intaasi” ayuu ku yiri Gen, Darwiish.

Ammaanka Kismaayo ayuu sheegay inay wax weyn ka badeli doonaan oo waliba cidii loo dareemo inay ammaanka qatar ku yihiin inay gacan bir ah ku qaban doonaan. Isagoona cadeeyey inay idaacadaha maanta  kala hadleyn dad weynaha una sheegeen qorshahooda ammaanka.

” Kismaayo haddaba waa nabad oo dadka laguma dilo waxaana ka shaqeeya ciidan laakiin waxaan ku sheegayaa inay howsha koowaad inoo tahay sugida ammaankeeda iyo gacan bir ku qabashada wixii loo arko inay ammaanka qatar ku yihiin” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Jubba Gen, Maxamed Warsame Darwiish.

Wareegtadan ayaa noqoneysa midii ugu horeysay oo kasoo  baxda midka mid ah wasiirada dhawaan lagu dhawaaqay ee maamulka Jubba waxaana la aqoon sida ay shacabka degan guryaha ay ku socoto u aqbali doonaan go’aankaasi cusub.

Burburkii kadib qaarka mid ah magaalooyinka waa weyn ee kala ah Kismaayo, Boosaaso, Galkacyo iyo Muqdisho ayaa waxaa ka dhismay xaafado waa weyn oo shacabka ay ka sameysteen xeryo ciidanka horey u lahaan jireen. Waxaana meelaha qaarkood shacabka dhulalkaasi ka iibsaday maamuladii kala duwanaa ee ka jiray magaalooyinkaasi.

Waxaa xafadaha ka dhismay xeryaha ciidanka waxaa ka mid ah. Xero Daraawiish Galkacyo oo maanta ka mid ah xaafadaha ugu waa weyn magaalada Galkacyo oo aan la burburin karin, Xero Dayax oo isla Gaalkacyo ah oo iyadana hadda ka mid ah xaafada dhismo ahaan ugu bilicda sareeya Galkacyo. Boosaaro sidoo kale xero daraawiish ayaa xaafad ahaan iminka loo degan yahay. Dhamaan shacabka dhulkaasi guryaha ka dhistay waxaa ka iibsaday maamulka Puntland.

Kismaayo waxaa iyadana hadda xaafadaha ugu ballaaran dhismo ahaan iyo shacbiyad ahaanba waxaa ku jirta Guulwade oo aheyd xero ciidan balse hadda ah 23 sano ee ugu danbeeyey xaafad ay shacab si weynu dhisteen,iyaddoo ka iibsaday maamuladii halkaasi isaga danbeeyey.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Ge.. Darwiish

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA GEN, DARWIISH UGA HADLAYO WAREEGTADA KASOO BAXDAY XAFIISKIISA EE U SIIYEY K24

Xigasho: Kismaayo24.net

- Advertisement -

Read more

Local News