Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta wuxuu magacaabay Golaha iga Amniga qaranka Soomaaliya , kaas oo sida la sheegay badalay Guddigii Amniga qaranka oo la magacaabay xilligii dowladii KMG aheyd iyadoo Golahaan uu yeelanayo Xogheyn gaar ah oo dabagal ku sameysa fulinta go’aanadda Golaha Amniga Qaranka.
Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed, waxaana xubin ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiiradda Gaashandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Maaliyadda, Arrimaha Dibedda iyo Garsoorka. Sidoo kale waxaa xubno farsamo ka ah Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga, Booliska, Nabadsugidda iyo Asluubta.
Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya wuxuu beeniyay in dowlada Soomaaliya ay ku fashilmatay sugiida amniga taasina ay soo dadajisay in Golahan lagu dhawaaqay , waxaana uu sheegay in mudadii ay jirtay ay dowladu amniga wax badan ay ka qabatay.
Madaxweynaha oo furitaankii shirkii ugu horreeyey maanta shir guddoominayey ayaa yir “ Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waa hay’adda ugu sareysa Qaranka oo dajineysa Siyaasadda iyo Istraatiijiyada Amniga Qaranka Soomaaliyeed si loo sugo amniga iyo xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso amniga rayidka, gaar ahaan haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed. “
Lama oga arintan waxay ka badali doonto Amniga Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya waxaana hore u jiray Guddiga amniga qaranka Soomaaliya kaas oo la dhisay xilligii Dowladii KMG aheyd .
Halkaan hoose ka dhageyso Codka Afahyeenka Madaxweynaha
Halkana ka dhageyso Golaha amniga qaranka oo la magacabay
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho