25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

DHAGEYSO: Goodax Barre oo Jawaari ku qaaday weerar afka ah kadib markii..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online)- Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa weerar ku qaaday  gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari.

Goodax Barre, ayaa sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya looga baahan yahay inuusan sii heyn mooshinka kalsoonida kala noqoshada ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya.

Isagoo u waramayay laanta VOA ayuu sheegay in gudoonka baarlamaanka looga baahan yahay inuu si wanaagsan u gutaa waajibaadka Shaqo ee saaran, isagoo cadeeyay inuu dhaliil u jeedinayo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

“Xildhibaanada tiradooda wey badan tahay 140 xildhibaan mar haddii ay gudbiyeen mooshin, weyba iska cadahay in meesha kalsooni aysan oolon, marka waan dhaliilayaa gudoomiyaha baarlamaanka”sidaasi ayuu yiri C/laahi Goodax Barre.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News