Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee taageersan maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa ku eedeeyay maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed iney sabab u ahaayeen burburka shirkii Kismaayo.
Xildhibaanada ayaa shaaciyay in hogaanka labada maamul ay diideen iney ka tanaasulaan gabi ahaanba fikradii ay aamin sanaayeen oo aheyd in hab qabiil lagu soo xulo dhamaan xildhibaanada imaanaya sanadka soo socda, taasi oo qasabtay in la is fahmi waayo.
Xildhibaan C,wahaab Ugaas Xuseen Ugaas oo kamid ahaa xildhibaanadii dhisay maamulka Bakool sare, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed ineysan marnaba tanasulaad sameynin, laakiin Jubbaland iyo Puntland ay tanaasuleen oo ay aqbaleen in aqalka hoose hab qabiil lagu soo dhiso.
C/Wahaad Ugaas Xuseen, wuxuu sheegay inuu kamid ahaa dadkii ku sugnaa magaalada Kismaayo, isaga oo sheegay in Gaas iyo Axmed Madoobe ay aqbaleen in aqablka sare laga dhiso mid ku yimaada hab deegaanka aqalka hoosana laggu soo xulo hab beeleed.
“Sababta bur burka keentay ayaa ah in Galmudug iyo Koonfur Galbeed tanaasul ka sameyn waayeen mowqifkooda ku aadan 4.5 in lagu soo xulo dhamaan xildhibanada Barlamanka”ayuu yiri Xildhibaanka.
Hoos ka dhageyso codka
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

