Dhageyso hooyo Deeb: Cabdi Iley wuxuu u ekaa meyd, waana naloo diiday inaan meydka qaadano

Jigjiga (Caasimada Onlien) – Hooyada dhashay madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamed Cumar “Cabdi Iley” iyo xaaskiisa ayaa shaaca ka qaaday in maanta si xun loo jir-dilay, uuna ku sugan yahay xaalad illaa hadda aan la ogeyn nolol iyo geeri.

Hooyo Deeb Mahad Colow ayaa sheegtay in ayada iyo afar qof, oo xaaskiisa ay ka mid tahay, oo cunno u qaaday Cabdi Iley ay ugu tageen gurigii lagu hayey, islamarkaana ay arkeen isaga oo la jir-dilayo, oo si xooggan loo garaacayo.

Waxa ay sheegtay in laga soo tuuray 30 jaran-jaro, islamarkaana aad looga garaacay madaxa, uuna ku qeylinayey “Tol la’aayeey, tol la’aayeey” kadibna lagu tuuray meel god ah, isaga oo meyd u muuqda.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in illaa sideed nin ay si xun dhulka ugu jiidayeen, kuwaas oo sidoo kale eryaday ayada iyo qofkii la socday. Waxa ay intaas ku dartay in ayada xitaa ay dhulka ku tureen.

Hooyo Deeb Mahad Colow waxa ay shaaca ka qaaday in Cabdi Iley uu muuqda meyd, islamarkaana aysan hubin inuu dhintay iyo inuu nool yahay. “Xitaa waa naga diideen inay meydka na siiyaan”

Hoos ka dhageyso wareysiga Hooyo Deeb.