28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhageyso: Idaacada Shabeelle oo ka hadashay Fadeexadii ay ku dhacday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Agaasimaha Idaacada Shabeelle Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud,  oo ka hadlay kiis kufsi oo loo xiray wariye idaacadaas katirsanaa laguna eedeeyay inuu lug ku laha yaa sheegay inuusan waxba ka ogeen kiiskaas.

Wuxuu sheegay in isagoo ku mashquulsan xinaanshiyaha idaacadiisa inuu 18-kii bishan markii ugu horeysay ka war helay muuqaal laga duubay gabar wariye ah oo shegtay in la kufsaday .

“Xilli habeen ah taariikh markii ay aheyd 18-kii bishan ayaa la isoo wacay oo arintan la ii sheegay subaxdiina waxaa ii yimid C/casiis Afriko iyo nin kale oo Asskari ah waxayna ii sheegeen inaan xarig ahay waxaana weydiiyay inay heystaan warqad ay igu xiraan laakiin maysan wadan sidaas darteed waan ka diiday ” ayuu yiri C/maalik.

Taliyaha ciidamada degmada howlwadaag ayuu sheegay in uu yimid isagoo ciidamo badan wata sidaasina lagu xiray , isla-markaan loo sheegay in wariye ka tirsan idaacadiisa uu muuqaal kufsi la xiriira duubay .

” Aniga dambiga la igu xiray wuxuu ahaa Kaamirada idaacadaada ayaa laheyd laakiin waan u sheegay in aanan laheyn aniga , waxaana arintan ay u muuqaataa shabeelle yeysan mar kale hawada kusoo laaban ” yuu hadalkisa sii raaciyay.

Wuxuu sheegay in damiin lagu sii daayay isaga laakiin laga dalbaday inuu keeno wiilka muuqaalkan duubay isagoona tilmamay in loo balan qaaday inaan la xireyn hayeeshee markii markii uu geeyay xabsiga la dhigay .

Wariyaha muuqaalkan diibay iyo sidoo kale gabadha laaga duubay ayuu sheegay inaysan is garaneyn hayeeshee uu jiro ruux xiriiriye  ah isla markaana labada dhinac ee wiilka iyo gabadha isku xiriiriyay .

Dowlada Somalia ayuu sheegay inay arintan uga golleedahay sidii aysan mar kale hawada usoo gali laheyn idaacada Shabeelle.

Halkaan ka dhageys Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud

Cabdi maalik yuusuf Maxamuud

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News