Muqdisho (Caasimada online) Qaar ka mid ah Xildhibaano hore uga tirsanaa dowladii KMG aheyd iyo siyaasiyiin ayaa maanta waxay si aad ah uga hadleen khilaafka madaxda sare ee dalka iyo hadalkii kasoo yeeray xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ee ahaa inuu ra’isul wasaaruhu lumiyay kalsoonidii dowlada.
Siyaasiyintan oo la hadlayay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxay eedeyn u jeediyeen xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil iyagoona ku tilmaamay mid ku tumaya kana been sheegaya dastuurka dalka .
Xildhibaan C/raxman Xoosh ayaa sheegay in madaxweynaha uu ra’isul wasaaraaha ka dalbaday inuu soo wareejiyo warqada istiqaalada hayeeshee siyaasiyiintan ayaa sheegay in xitaa amarkaas uusan laheyn madaxweyne xasan.
Waxay shaaciyeen in madaxweynaha Somalia kaliya uu leeyahay magacaabista balse uusan laheyn xilka qaadista iminkana uu si toos ah fara galin ugu sameeyay shaqada baarlamaanka Somalia .
Muranka ka dhashay khliaafka madaxda sare ee dalka ee marba marka kasii dambeysa kor usii kacayaa iyadoona mudanayaasha baarlamaanka iyo dadka siyaasada qiimeeya iyo qaabab kala suwan arintan uga hadlayaan .
Inta badan aqoon yahanada iyo siyaasiyiinta ayaa khilaafka madaxda sare ee dalka waxay ku sifeeyeen mid siyaasadeed balse uusan aheyn mid dastuuri ah .
Dhowaan ra’isul wasaaraha dalka oo madaxweynaha ay is hayaan ayaa sheegay in khilaafkoodu uu yahay mid dastuuri ah balse xal laga gaari doono .
Gudoomiyaha Baaramaanka Somalia ayaa u digay xubnaha baarlamaanka somalia isagoona ku tilmaamay inay yihii garsoorayaasha madaxda dalka sidaasi darteedna laga doonayo inay sirtoooda xafidaan .
Halkaan Hoose ka dhageyso Siyaasiyinta
Qaar ka mid ah xildhibaano iyo siyaasiyiin
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

