Taleex (Caasimada online) Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ee maamul Khaatumo State Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, ayaa Hanjabaad Kulul Oo Ku Adaan Deganaada uu Ka Arimo Maamulkaas Ujeediyaay Maamulka Puntland .
Wuxuu sheegay inay ka war hayaan in Puntland ay qorsheyneyso qorshe ay ku dooneyso inay weerar ku qaado deegaanada Maaamulkaas, isla markaaana ay jiraan Ciidamo laga soo diray Garoowe oo Khaatumo ku wajahan.
” Waa Puntland waxa diidan jiritaanka Maamulka Khaatumo State, iyaga ayaa hada ka hor soo weerartay walina waxay wadaan daan daansi xoogan , Laakiin ma aqbali doono in gumaad lagula dhaqaaqo shacabkeena” ayuu yiri Maxamuud Sheekh Cumar Xasan
Wuxuu sheegay inay Jiraaan Ciidamo Khaatumo ah oo u diyaarsan inay la dagaalamaan maamulka Puntland kuwaas oo ka careysan waxa Puntland ay ka sameysay Khaatumo markii ay weerartay.
Khaatumo ayuu sheegay inaysan marnaba raali ka aheyn dagaal dhex mara labada Maamul Balse maamulka Puntland ayuu sheegay inay mar kasto daan daansi ku heyso Maamulkooda .
Wuxuu shaaca ka qaaday in Puntland ay faragalin qaawan ku heyso Maamulkooda hayeeshee wuxu tilmaamay hadi ay joojin weyso ay la kulmi doonto jawaab cad dagaalna ay arintu isku badali doonto
Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ee maamul Khaatumo State wuxuu sheegay in hadii Puntland ay weerar kasuoo qaado Khaatumo ayuu sheegay inay Gaari doonaan Caasimada Puntland ee Garoowe awoodna ay u leeyihiin sida uu sheegay”
Shalay ayay aheyd markii Madaxweyne kuxigeeenka Maamulka Puntland uu shaaciyay in Shir aysan ka war heyn Maamulka Puntland aan lagu qaban karin Degmada Taleex ee gobolka Sool ee Maamulka Khaatumo State.
Halkaan Hoose ka dhageyso Maxamuud Sheekh Cumar Xasan
Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ee maamul goboleedka khaatumo
Caasimada online
Xafiiska Taleex

