Muqdisho (Caasimada Online) – Korneyl Axmed Warsame Xaashi oo ka mid ahaa saraakiisha hore ee milatariga Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in dadka Muqdisho degan ay xaq u leeyihiin inay shaki ka qaadaan qorshaha hubka looga dhigayo ee uu wado ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Axmed Warsame Xaashi, oo ka hadlay barnaamijka doodda ee BBC ayaa sheegay in hub ka dhigista ay tahay arrin wanaagsan, laakiin waxa qaldan ay tahay qaabka ay dowladda Soomaaliya u mareyso arrintan.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya iminka aysan ahayn sidii hore, islamarkaana ay dhaceen dagaallo iyo colaad umadda kala geliyey shaki weyn.
“Mar walba oo dowladda ay soo hadal qaado hub ka dhigis waxaa la yiraahdaa, waxaa laga billaabaya Muqdisho ayada oo aan la aadin meel kale oo dalka Soomaaliya ka mid ah, taasi waxa ay ka dhigeysaa in dadku tuhun qaadaan” ayuu yiri.
Waxa uu intaas ku daray “Hadii dadka Muqdisho ayaga kaliya hubka laga qaado, ayada oo aan la taaban dadka kale ee Soomaaliya, waxay u qaadanayaan in qabiilo kale loo gacan qabanayo” ayuu yiri.
Qorshaha hub ka dhigista ayaa waxaa wada ra’iisul wasaare Xasan Kheyre iyo taliyaha sirdoonka Cabdullaahi Sanbaloolshe oo sheegay in Muqdisho aysan xasili doonin illaa hubka laga dhigo beelaha Abgaal iyo Habar-gidir.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]