DHAGEYSO: Maamulka Juba oo shirka Baydhbaba ku tilmaamay daandaansi

Kismaayo (Caasimada online) Maamulka KMG ah ee Jubba hogaankana uu u hayo Axmed Maxamed Islaam Axem Madoobe, ayaa Jawaab wuxuu ka bixiyo Kulamada Beydhabo ka soconaya iyo qorshaha lagu doonayo in lagu soo dhiso maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maamulka Jubba ayaa Maamulkaas la qorsheynayo in Beydhabo looga dhawaaqo ku sheegay uu yahay mid Daan daansi iyo dagaal lagula jiro deegaanada Maamulka Jubba  uu ka arimiyo ,waxaana uu ka digay Shirka Beydhabo ka soconaya.

Cabdi Barre Ibraahim, wuxuu ka mid yahay saraakiisha Maamulka KMG ah ee Jubba waxaana hore uu kaga tirsanaa mudanayaasha Baarlamaankii dowladii KMG aheyd, wuxuu shaaciyay in qorshaha maamulkaas uu yahay mid lala soo daahay xilligana ayan macquul aheyn .

Wuxuu sheegay in hadalka kasoo yeeshay dadka reer beydhabo uu yahay mid abuuri kara colaad iyo dagaal dhex mara dadka dega gobolada koonfur Galbeed Soomaaliya isagoona Mas’uuliyad xumo ku tilmaamay Tilaabadii Gudoomiye Jawaari ee Aqoonsiga Maamulka Goboleedka Koonfiur galbed Somalia.

Wuxuu shaaciyay inay nasiib darro tahay in dad ka tashtay aayahooda in xilligan la isku dayo in lakala geeyo maamul ayan raali ka aheyna laga hirgaliya waxaana uu intaasi ku sii daray inwaxa Beydhabo ka socda aysan saameyn ku yeelan dooninn deegaanadooda .

Beydhabo waxaa ka soconaya Maamul lagu donayo in lagu mideeyo lixda gobol ee Sh/hoose Baay, Bakool,  iyo deegaanada maamulka jubba ee Gedo iyo labada Jubbo, waxaana arintaas  soo dhaweeyay Saraakiisha Maamulka Jubbaland ee Barre Hiiraale oo dagaal kal soo horjeeda maamulka Jubba .

Halkaan hoose ka dhageyso codka Jawaabta Maamulka  Jubba

Dhageyso Jawaabta Maamulka Jubba

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com