Kismaayo (Caasimada Online) –Saraakiisha Maamulka Cornel: Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa ka hadlay warar sheegaya in Cornel-ka uu isku dhiibay maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe ee Kismaayo iminka ka arimya .
Afhayeenka guud ee Cornel: Barre aadan Shire Dr Maxamed Xasan Cali (Stata Man) ayaa sheegay in gabi ahaan ay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in Barre Hiiraale uu isku dhiibay maamulka Kismaayo haatan ka arimiya ee Jubba Axmed madoobana uu hogaamiyo .
Wuxuu tilmaamay in warkaas ay buun buuniyeen dad uu sheegay inay yihiin Naf la caari, kuwaas oo sida uu shaaciyay ku marin habaabinaya shacabka Jubbooyinka iyo Gedo dega, waxana uu sheegy in isagu uu cadeynayo in warkaas uu yahay mid lasoo ababulay oo aaney waxba ka jirin .
State Man ayaa sheegay in Barre uu yahay Madaxweynaha Rasmiga ah ee Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana uu sheegay in kalsooni buuxda ay ku qabaan shacakba gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo uu shaaciyay inay yihiin kuwa u doortay hogaaminta goboladaas.
Dr Maxamed Xasan, wuxuu dhinaca kale sheegay inay wadaan isku diyaarinta ka qeyb galka Shirka Shanta Bishan ka furmaya magaalada Muqdisho ee aayaha Jubbooyinka iyo Gedo looga hadlayo , waxaana uu tilmaamay inuu jeclaan lahaa inuu bur buro heshiiskii Adis Ababa ee dowlada Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe oo uu ku tilmaamay in markiisii hore uu xaqdaro ahaa .
Si carol eh ayuu ku yiri “ Dowlada Ethiopia aya mas’uul ka aheyd heshiiska labada dhican sidaasi darted mas’uuiliyad ayaa kasaaran la socoshada cidda jabinesa heshiiska iyo go’aanadii la kala saxiixday”
Warar soo if baxayay shalay waxay sheegayeen in Barre Aadan Shire uu isku dhiibay maamulka iminka Kismaayo ka taliya inkastoo haatan warkaas ay beeniyeen saraakiishiisa.
Si kasto Saraakiisha iyo ciidamada Barre aadan Shiire ayaa ku sugan duleedka Kismaayo kadib markii gudaha magaaladaas si awood ah looga soo saaray waxaan dhowr jeer oo hore ay ku cel celiyeen inay halkaas kala wareegayaan maamulka iminka ka arimya.
Halkan ka dhageyso Afhayeenka Barre
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo