Muqdisho (Caasimada Online) – La taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya Ex Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo maanta hadal ka jeedinayay Xaflad ka dhacday Muqdisho oo looga hadlayay arimaha Midnimada Beesha Sade ayuu ka sheegay inay jiraan siyaasiyiin ka tirsan beesha oo ku howlan shaqo aan loo dirsan.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa yiri “Qofka aysan umadiisu waxba u dirsan, Wakiilan, laakiin meel walba magaca ummada la taagan oo yiraahda reer hebel baan u dhashay talada wax ha la iga siiyo annaa wakiilka ah rer hebel qofka leh oo cid soo wakiilatayna aynan jirin horta ha la ogaado cadkuu qaadanayo waa cad uu masaariif ka rabo, laakiin qofka raba inuu bulshada u shaqeeyo marka hore wuxu raadiyaa Midnimadeeda ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo hadlayay.
“Waayahaan danbe waxaa nagu batay meeshii dab laga shido oo qoloba iskugu tagto in qolo aan la dirsan u tagto waxan leenahay war ilaahay ka baqoo shaqo kale raadso umada magaceeda wax haku raadine”
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Gedo ayuu ku amaanay kaalinta uu ka qaadanayo isku soo dhawaynta bulshada gobolka Gedo isagoona tilmaamay in loo baahanyahay dadku inay yeeshaan Hogaan midaysan.
‘hadii ay arini xumaato ragii saman kaas joogay baa la eedeeyaa hadii ay Hogaan dhaqan yihiin iyo hadii ay hogaan siyaasadeed yihiin maanta xaalad adag baan ku jirnaa maanta deeganadeenii heerka ay marayaan qaar cadowbaa inaga haysta oo loo baahanyahay inaan ka xorayna oo Jaamacado iyo wax walba u samayno, qaar dad ay wax inagala dhexeeyaan ayaa doonaya inay iyagu siday doonaan ka yeelaan”ayuu mar kale yiri Siyaaasiga Maxamuud Sayid Aadan.
Hoos ka dhagayso hadalka Maxamuud Sayid Aadan
Axmednuur Maxamed
Muqdisho, Soomaaliya
Kismaayo24.com