Garowe (Caasimada Online) – Burhaan Cilmi Xersi oo horey wasiir kaga soo noqday maamulka Puntland ayaa digniin kasoo saaray in beelo gaar ah oo kasoo jeeda Puntland ay qaataan xildhibaanada sanadkaan u matalaya dowlada federaalka Soomaaliya.
Wasiir hore Burhaan Cilmi ayaa sheegay in xildhibaanada Puntland matalaya ay inta badan ka imaan jireen beelo gaar ah oo daga deegaanada Puntland, balse iminka aysan suurogal aheyn in sidaasi oo kale ay dhacdo.
Xildhibaanada ka qeyb galaya aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in muhiim tahay iney ka yimaadaan deegaanada Puntland guud ahaan oo ay noqdaan kuwo matali kara shacabka Puntland.
Mr, Burhaan wuxuu sheegay in Xildhibaanada Puntland uga qeybgala dawladda Faderaalka oo horey u ahaa 12 Xildhibaan ay qaadan jireen beelaha qaarkood, haddana xubnaha Aqalka Sarre ay soo baxayaan warar sheegaya in ay isla beelihii qaadanayaan, taas oo uu sheegay in aysan suuragal aheyn.
Wuxuu sheegay in ay Puntland ku nool yihiin beelo badan, aysana tirada oo aan horey ugu filneyn awgeed haddana aysan suuragal aheyn in beelihii horey wax u heystay ay haddana mar kale soo siyaadsadaan.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]