26.9 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Dhageyso: Qarax ka dhacay Magaalada Marko, iyo Maamulka oo ka hadlay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Marko (Caasimada online) Maamulka Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa  wuxuu ka warbixiyay bam gacmeed lagu tuuray askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Magaaladaasi.

Guddoomiyaha Degmada Marka Maxamed Cusmaan Yariisoow , oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa lagu tuuray askar Booliis ah oo ku sugnaa suuqa Qudaarta ee Degmada Marka, hayeeshee aysan jirin khasaaro soo gaaray askartaasi.

Hal ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, halka sidoo kale aysan jirin khasaaro dhimasho oo ka dhashay qaraxaasi lagu tuuray ciidanka Booliiska Dowladda sida Gudoomiyaha Degmada uu sheegay

Wuxuu sheegay inay wadaan howgal ku aadan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi inay gacanta kusoo dhigaan, isla-markaana maxkamad ay la tiigsan doonaan.

Mudooyinkii Dambe deegaanada Shabeelaah Hoose gaar ahaan Magaalada Marko waxaa kusoo kordhayay falalka nuucani oo kale ah.

Halkaan hoose ka dhageyso codka Gudoomiyaha Marko

Gudoomiyaha Dagmada marko Maxamed Cusmaan cali (Yariisoow)

Caasimada online

Xafiiska Marko

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News