Mudisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir oo lahadlay saxaafada ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan xabsiga dhexe ee Xamar.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay heystaan dadka ku xeran xabsiga dhexe ee xamar, isagoo tusaalo usoo qaatay goobaha ay dadka ku xeran yihiin.
Wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo la socda xaalada dadkaasi ay ku jiraan inaysan u gudbin golaha wasiirada si dadkaasi looga qabto.
Wuxuu sheegay xeer ilaaliyaha in qolalka qaar ee ay dadka ku xeran yihiin loogu talo galay 20 ilaa 30, laakiin ay ku xeran yihiin ku dhawaad 80 ilaa 100 sida uu sheegay.
Sidoo kale Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in xabsiga uu lahaan jiray labo qol oo ku dhawaad 400 lagu xiro, laakiin uu midkood uu burburay, halka kalana lagu xiro ku dhawaad 1000 ruux sida uu sheegay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]