Dhageyso: Qorshaha maamul federal oo Muqdiso ay qeyb ka tahay oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano gaaraya illaa dhawr iyo labaatan xildhibaan ayaa la kulmey Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid, waxayna kala hadleen sidii maamul loogu samayn lahaa gobolada Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo gobolka Banaadir.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim Goodir oo ayaa sheegey in xildhibaanada ay ka mideysnaayeen arrimaha ay Ra’isulwasaaraha kala hadleen, ee ah in maamulkan dhismihiisa la dedejiyo.

“Baryahanba waxaa xildhibaanada kasoo jeeda gobolada hiiraan iyo sh dhexe iyo banaadir intooda ku sugan muqdisho shirar, shirarkaasi oo ku saabsanaa sidioi maamulo loogu samayn lahaa gopboladaasi, waxaan kulan la yeelanay Ra’isulwasaaraha, waxaan kala hadalnay labao qoidob oo kala ah maamuladaasi iyo arrimaha dagaalada, arrimahaasi oo aan ka xumaanay dagaalada, oo dagaalo waqtigooda ku haboon aanan ahayn, dagaaladana uu yahay dagaal siyaasadeed”ayuu yiri xildhibaanka

Mar aan wax ka weeydiiney arrinka ku saabsan Muqdisho iyo sida laga yeelayo maadaamaa ay tahay caasimaddii dalka ayuu yiri xildhibaanka “Intee muqdisho ah horta, anaga waxaan ka hadlayno waa Muqdisho, Banaadir waa la yaqaano waa 17 degmo, dad baa inta aysan caasimad noqon ku noolaa, xuquuq ayay leeyihiin, tan dastuurka marka la meelmariyo ayaa la ogaanayaa inta maqaamka caasimadnimo leh, laakiin ka hor waa in dadkani xuquuqdooda laga tashadaa”.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com