Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, ayaa ka hadlay dagaalo dib kaga cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi u dhaxeeyo labo beeleed oo wada dega gobolkaasi.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegay in madaxweynaha maamulja kuufur galbeed uu wado dadaalo la doonayo in lagu dhameynayo dagaalka muddada dheer soo socday ee u dhaxeyo Habar-gedir iyo Biyo-meel.
C/qaadir Siidii, ayaa ka dalbaday xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya inay taageero buuxda siiyay Shariif Xasan Sheikh Aadan madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed oo uu sheegay inuu dhigayo gogol dhexdhexaadineed, sida uu hadalka u dhigay.
“Madaxweyne Shariif Xasan, wuxuu wadaa qorshe lagu hishiisiinayo beelaha ku dagaalamay deegaanda Shabeelaha Hoose, waxaan dalbanayaa in madaxda dowlada ay garab istaagaan oo ay taageeraan”ayuu yiri Siidi oo la hadlay saxaafada.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhanka kale sheegay in sshariif Xasan uu ka jawaabay dalab uu u jeediyay xili uu tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kaasi oo ahaa inuu hishiisiiyo dhinacyada ku dagaalamayo gobolka Shabeelaha Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]