Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in dub u dhac maanta uu ku yimid shir ka furmi lahaa magaalada Cadaado ee gobalka Mudug, kaasi oo la doonayo in maamul loogu sameeyo gobalada Mudug iyo Galgaduud.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi Maxamuud Xuseen ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan degmada Dhuusamareeb ka warsugayaan si uu u mudeeyo xilliga uu shirka furmi doono.
Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in shirka Cadaado meelihii lagu qaban lahaa iyo sidoo kale halkii ay degi lahayd ergada diyaarsan tahay, waxa hadda ay sugayaanna ay tahay jawaabta Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa waxa uu kula kulmayaa odayaasha dhaqanka, waxaana ay ka wada hadlayaan arimo ku aadan qabsoomidda shirka Cadaado.
Dhawaan Odayaasha Dhuusamareeb ku shiray waxay soo saareen go’aan ah in shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud uu ka dhici doono degmada Dhuusamareeb.
Halkan ka dhageyso wasiirka
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

