26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dhageyso: Somaliland oo jawaab kulul siisay maamul goboleedka PUNTLAND

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online)- Maamulka Puntland ayaa walac ka muujiyey Markab hub siday oo dhowaan ku xidhay dekedda Berbera waxayna beesha Caalamka ugu baqen in Il gaar ah ay ku eegan.

Wasiirka amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa eedaymo kala duwan u soo jeediyey Somaliland.

Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland ayaa iska fogaysay eedahaas iyaga oo sheegay in xukuumadda Somaliland ay baadhis ku waddo hubka markabkaas saaran hase ahaatee aanu ahayn mid iyaga u socda, waxayna jawaab ka bixiyeen eedaha ka yimi Masuuliyiinta Puntland.

Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Somaliland Cali Maxamed Cilmi ayaa u waramay Ismaaciil Xuseen Farjar.

Warbixin iyo waraysi arrimahaas ku saabsan halkan hoose ka dhegeyso:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News