Muqdisho (Caasimada Online) – Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha xisbi mucaaradka Ucid ee maamulka Somaliland oo la hadlay Idaacada Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho, ayaa weerar ku qaadan madaxda dowlada Soomaaliya.
Wuxuu ugu horeyn sheegay in nasiib daro ay tahay iyadoo dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidamo ajaaniib ah uu isku dayo in wadahadal la galo maamulka Somaliland oo uu sheegay inuu yahay maamul isku tashaday.
“Waxaan kuu sheegayaa Soomaaliya anagaa usoo gurmanay markii hore, laakiin hadda oo ajaaniib ay u joogaan oo Gaalkacyo ay kala qeybsan tahay, Jubbooyinkii aan aqiinay la kala qeybiyay maba ahan inay usoo hanqal taagaan Soomaaliland oo isku tashatay”sidaasi ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Faysal Cali Waraabe, ayaa dhanka kale wuxuu si aad ah kaga hadlay musuq maasuqa ay sameeyeen madaxda dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay inay dhacaan dhaqaalaha loogu talo galay shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.
“War intaad qabyaalada iska deysaan, oo lacagta aad dadweynaha ka cuneysaan iska deysaan isku tashada oo idinka is mideeya, annaga waanba tashanaye adinkana tashada” intaasi ayuu hadalkiisa kusii daray Faysal Cali Waraabe.
Maamulka Somaliland iyo dowlada Soomaaliya ayaa masuuliyiintooda kulan waxay ku yeesheen magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaasi, kadib casuumaad ay ka heleen madaxweynaha dalkaais Jabuuti.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]