Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wada hadalladii dowladda Somalia iyo kooxda Axmed Madoobe ayaa weli ka socda magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, ayada oo ay weli jiraan caqabado xooggan oo diidan in heshiis la gaaro.
Qodobka illaa iyo hadda sida aadka ha loogu kala fog yahay ayaa ah in magaca Jubaland la beddelo.
Dowladda Somalia, ayaa ku doodeysa in maadaama maamulkan ka dhaxeeyo Jubbooyinka iyo Gedo aysan suurta gal ahayn in loogu magac darro Jubaland, taasina ay meesha ka saareyso Gedo.
Dhinaca Axmed Madoobe ayaa ayagana ku adkeysanaya in magaca Jubaland aysan ka tanaasuleyn, taasina waxa ay keentay in dowladda ay dib ula laabatay qodobadii ay horey u ogolaatay, maadama ay sheegeen in dhinaca Axmed Madoobe aysan diyaar u ahayn inay sameeyaan wax tanaasul ah.
Qodobada la sheegay in DF ay dib uga laabatay waxaa ka mid ah aqoonsiga Jubaland.
Cabdinaasir Guure Faarax (Jeer) oo ah la taliyaha Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda federaalka ah ay u gudbiyeen in aysan ahayn maamul doonaya gooni isu tag, balse ay doonayaan in ay dowladda federaalka ay ka mid noqdaan.
La taliyaha madaxweyne ku -xigeenka Jubbaland Cabdinaasir Guure Faarax (Jeer) ayaa waxaa uu sheegey in madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh inuu aqbaley maamulka Jubbaland inuu madaxweyno ka noqdo Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) halka uu madaxweyne ku-xigeena uu yahay Fartaag,nmaamulkuna labmagac bixii doono Jubbaland.
Jeer ayaa ku eedeeyey xubnaha dowladda u matalaya wada hadallada inay ka baxeen qodobo horey uu madaxweyne Xasan u ogolaaday sida uu sheegay, ayna ku jiraan xildhibaano uu ugu yeeray kuwo fidno wadayaal ah.
Wareysiga ayuu Jeer ku faah faahinayaa halka ay wada hadallada marayaan.
Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]