Dhageyso: Wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato shir-weynaha qaran ee maanta ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirweyne dib u heshiisiin qaran ah kaas, oo ay kasoo qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed , iyadoona qaban qaabada shirkaasina ay laheyd dowlada soomaaliya .

Shirka, ayaa si habsamileh wuxuu uga soconayaa hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galaya ergadii ay dowlada Soomaaliya shirkaasi ku casuuntay oo tiro ahaan kaagaray in ka badan 200 oo xubnood oo qeybaha kala duwan ee bulshada ah .

Amnaaka goobta shirka uu ka socdo ayaa aad loo adkeeyay , waxaa ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay soo buux dhaafeyeen wadada maka al-mukarama iyo sidoo kale inta u dhexeysa Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM4 .

Afhayeenka Madaxweynaha Somalia ahna la taliyaha Madaxweynaha Eng: Cabdiraxman Cumar Cusman Yarisow ayaa ka warbixiyey wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato shirkaasi furmaya maanta, isaga oo wareysi siiyey VOA.

Halkan hoose ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com